HomeUncategorized

Guddoomiyaha gobolka Mudug Tigay oo si kulul u cambaareeyay dilkii xalay ka dhacay Gaalkacyo,

Gaalkacyo, July, 31- Guddoomiyaha gobolka Mudug oo Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigay) ayaa si kulul maantay u cambaarayay dilkii xalay Gaalkacyo loogu gaystay marxuun Col: C/llaahi Faray iyo walaalkiis Cismaan Xasan.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Xasan Haykal.
Wadaadadii tabliiqa ahaa oo galabta laagu aasay qabuuraha magaalada Galkaacyo. [Akhris …]
Caruur degmada Hobyo ugu geeriyooday cudurka jadeecada.

Gaalkacyo, July, 31- Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ‘Tigay’ ayaa si kulul maantay u cambaarayay dilkii xalay Gaalkacyo loogu gaystay marxuun Col: C/llaahi Maxamed Xassan (Faray) iyo walaalkiis Cismaan Maxamed Xassan.

Maxamed Yuusuf waxaa uu si adag ula dar-daarmay shacabka ku dhaqan Gaalkacyo waxaana uu yiri “War hurdada ka-kaca oo iska celiya wax-magaratada caadaysatay inay idin-laayaan”.

Md Tigay,? waxaa uu tilmaamay in dilkaan uu bulshada ku dhaqan gobolka Mudug u yahay uur-ku taalo, waxaana isagoo siiwata hadalkiisa uu sheegay in sanadkaan sanadkiisii kale sidaasi? oo kale Gaalkacyo lagu dilay nabadoono, madax, culumaa’udiin, iyo dad muhiim ahaa bulshada reer Gaalkacyo. Guddoomiye Tigay oo ka tiiraanyaysan dilalka qorshaysan ee Gaalkacyo kusoo noq-noqday ayaa reer Gaalkacyo ugu baaqay inay mideeyaan maankooda iyo maskaxdooda si guul looga gaaro dadka wada falalka bulshada lagu majaxaabinayo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ‘Tigey’ ayaa carabka ku dhuftay inaysan illaa hadda jirin cid ay gacanta ku hayaan,? balse ay socdaan dadaalo farabadan oo lagu doonayo in lagu soo qabto kooxahaasi dilka u gaystay labada marxuum ee C/llaahi Faray iyo iyo Cismaan Maxamed Xassan.

C/risaaq Cali Silfar

Daljir Gaalkacyo.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: