Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo sheegay inuu is casilayo haddii ay heshiin waayaan shacabka Buuloburte

HomeWararka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo sheegay inuu is casilayo haddii ay heshiin waayaan shacabka Buuloburte

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale ayaa sheegay in uu iska casilayo xilka uu hayo haddii uu ku guuleysan waayo inay heshiiyaan shacabk

Maamulka Somaliland oo sheegay inay hakiyeen wadashaqayntii kala dhaxaysay QM
Puntland maxay illaa iyo hadda Ceerigaabo ugu magacaabi la’dahay Guddoomiye Degmo? (Daawo)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale ayaa sheegay in uu iska casilayo xilka uu hayo haddii uu ku guuleysan waayo inay heshiiyaan shacabka degmada Buulo-burte.

Cali Muxumad Carraale oo ku sugan magaalada Buuloburte ayaa warkan ka sheegay xili uu la hadlayay waxgaradka magaalada Buuloburte.

“Aniga xilka aan hayo waan ka degeyaa haddii aanan arkeyn shacabka Buulobure oo heshiis ah oo isla qoslaya.”ayuu yiri Guddoomiye Carraale oo ku dhashay magaalada Buuloburte.

Carraale ayaa sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay in uu heshiis dhex dhigo beelaha wada dega degmada Buuloburte isagoo xusay in uu heshiis dhex dhigey beelaha dega degmada Beledweyne.

Duqeyda dhaqanka iyo waxgaradka degmada Buuloburte ayaa hore uga diidey Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Caadle in la dhiso golaha deegaanka degmada Buuloburte.

Odayaasha dhaqanka Buuloburte ayaa u sheegay madaxda Hirshabelle in marka ugu horeysa la dhiso Golaha Deegaanka Degmada Beledweyne.

Khilaafka dhismaha golaha deegaanka degmada Buuloburte ayaa ku noqday caqabad sii wadida dhismaha golayaasha deegaanka ee uu Maamulka Hirshabelle wado.

Maamulka Hirshabelle ayaa intii uu dhisnaa waxa kaliya u suurtogashay in la dhiso golaha deegaanka degmada Warsheeq oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: