Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe

HomeWararka

Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Ju

Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Muxuu yahay qorshaha u deggan maamulka cusub ee gobolka Mudug? (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Islaam “Axmed Madoobe”

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka uu xilligaan maraayo iyo Arriimaha la xiriira doorashooyinka dalka oo dhawaan bilaabanaya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay doorka uu ka qaadanayo geedi socodka dowladnimada Soomaaliya iyo ka qeyb galay Shirkii looga hadlay Arrimaha doorashooyinka ee lagu qabtay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maalmahaan kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho, waxaana uu shalay la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: