Guddiyada Xulista Ergooyinka Lix Kursi oo Lagu Dooranayo Kismaayo oo La Shaaciyay

HomeWararka

Guddiyada Xulista Ergooyinka Lix Kursi oo Lagu Dooranayo Kismaayo oo La Shaaciyay

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaciyay Guddiyada xulista Ergooyinka dooranaya lixda kursi kuwaasoo isugu jira oday dhaqameedka iyo labo ka mid ah

Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xaawo Axmed Maxamuud Daljir Garowe (dhegayso)
Madaxweyne Deni oo xafiiskiisa ku qaabilay Aabaha dhalay Caasho Ilyaas Aadan (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaciyay Guddiyada xulista Ergooyinka dooranaya lixda kursi kuwaasoo isugu jira oday dhaqameedka iyo labo ka mid ah Bulshada Rayidka.

Jubbaland ayaa noqoneysa dowlad goboleedkii u horreysay ee soo bandhigta Guddiga soo xulaya ergooyinka, taasoo ka mid furo u noqoneysa hannaanka daah furnaanta ee doorashada Golaha Shacabka, iyagoo ka duwan Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Galmudug oo aan haba yaraatee soo bandhigin Guddiyada xulista ergooyinka, waana tan keentay in kuraasta qaar ee la doortay ay cabasho laga keeno, qaarkoodna dacwad laga gudbiyay.

Doorashada Lix kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ayaa lagu wadaa in talaadada soo socota doorashadeeda ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: