Guddiga loo xilsaaray diyaarinaya Sharciga Miisaaniyadda oo Guddoon doortay

HomeWararka

Guddiga loo xilsaaray diyaarinaya Sharciga Miisaaniyadda oo Guddoon doortay

Guddiga KMG ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee loo xilsaaray diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2022 ayaa Ma

Shir weynihii Dhalinyaradda oo Muqdisho lagu soo Gabagabeyaay (Akhriso)
#LAASCAANOOD: Burbur xoogan oo ka dhacay Duqaymo lala eegta Cusbitaalka guud
DIYAARINTA DHULKA & FALISTA CAWSKA

Guddiga KMG ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee loo xilsaaray diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2022 ayaa Maanta fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ayaa intii uu socday Kulankooda waxaa ay iska dhex doorteen Guddoonka Guddiga, kuwaas oo ay ku kala guuleysteen mudanayaasha kala ah :-

1. Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux Guddoomiye

2. Senator Xassan Iidoow Maxamed (Kobac) Guddoomiye ku xigeen

3. Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur Xoghaye

Xubnaha Guddiga ayaa maalmaha soo socda guda geli doona diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2022 ee la doonayo in ay ku Shaqeeyso Xukuumadda soo socota.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: