Guddiga hirgelinta doorashooyinka DFS oo baaq u diray dowlad Goboleedyada

HomeWararka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka DFS oo baaq u diray dowlad Goboleedyada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhoweeyay natiijada doorashadii Aqalka Sare ee shalay ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xar

Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (daawo)
Madaxweyne Gaas: “Maalin Walba u Xayirnaan Mayno Amiirka Kuwayt” (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhoweeyay natiijada doorashadii Aqalka Sare ee shalay ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu amaanay dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay qabsoomidda doorashadaas.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Md. Maxamed Xasan Cirro, ayaa ku ammaanay Dowlad-goboleedka Jubbaland oo hormuud ka noqday bilaabida doorashooyinka dalka, isla markaana wakhtigeeda ku bilowday, sidoo kale dowlad goboleedka Koonfur Galbeed inay tusaale wanaagsan u noqdeen dowlad-goboleedyada kale, ka dib markii ay soo doorteen laba (2) senator oo haween ah, kuwaas oo ka qeyb noqonaya Aqalka Sare, taas oo ka dhigeysa in haweenku ka yihiin 40% senatorrada la doortay.

Ugu dambeyntii, Guddigu wuxuu ugu baaqayaa dowlad-goboleedyada kale inay iyaguna billaabaan doorashada Aqalka Sare si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: