Guddiga diiwaan galinta ciidamada Puntland oo digniin adeg u diray ciidamada

HomeWararka

Guddiga diiwaan galinta ciidamada Puntland oo digniin adeg u diray ciidamada

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa digniin u diray Ciidammada is diw

Warka Fiidnimo iyo Iid Maxamed Cabdi Buuhoodle, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Khasaare kadhashay weerar lagu qaaday sarkaal katirsan ciidamada Jubaland
Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso(dhegayso)

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa digniin u diray Ciidammada is diwaan galiya

Xasan Shire Cabdi Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada oo la hadlay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay intii ay shaqada ku guda jireen in ay wax badan ka ogaadeen qaladaad ay qaybo ka mid ah Ciidammadu sameeyeen.

“Ilaahay baa Mahadi u sugnaatay noona fududeeyay hawlihii tira koobka Ciidammada Dawladda Puntland, intii aanu hawshan wadnay waxaanu qabanay rag badan oo diwaan galinta ka soo galay gobolo kale, Ciidammadaasi waanu haynaa waxaana laga qaadi doonaa talaabo ku haboon oo dhanka sharciga ah ayuu yiri Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada Mudane Xasan Shire Cabdi ”

Wasiirka ayaa digniin u diray Ciidammada is diwaan galiyay

“Dhamaan Ciidammada waxaan u sheegaynaa in xogta horay looga qabtay ay tahay mid siwayn loo xafiday loogana fekeray, waa mid naga go’an in aan la dagaalano dadka caadaystay in ay meelo badan ka qaataan lacag been abuur ah waxaan leeyahay ka waan tooba, Askarigii lagu qabto sharciga ayaa la marin doonaa ayuu yiri Wasiirku”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: