Goobjooge Weerarka Ballibusle: “Dagaalka Galmudug baa laga soo Qaaday Laakiin Waxay Ahaayeen Alshabaab” (dhegayso)

Goobjooge Weerarka Ballibusle: “Dagaalka Galmudug baa laga soo Qaaday Laakiin Waxay Ahaayeen Alshabaab” (dhegayso)

Warar siyaado ah oo naga soo gaaray degmada Ballibusle ee Gobolka Mudug ayaa faahfaahinaya weerarkii xalay ay soo qaadeen maleeshiyaad la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka Galmudug.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa magaalada ka soogalay labo jiho, waxayna halkaas ku dhaawaceen 2 qof oo dumar ah. Dhaawaca ayaa hadda lagu dabiibayaa isla degmada Ballibusle.

Ciidanka Puntland oo aagga ka dhawaa ayaa isla markiiba gaaray goobta weerarka.

Hadaba waxaa Daljir u suurtoowday in aan waraysano Maxamed Cabdulqaadir oo ah goobjooge goobta dhacdada weerarka. Waxa uu u waramay wariye Xasan Heykal, asaga oo ka warramay sida uu dagaalku ku biloowday iyo jihada ay ka soogaleen maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Wacaal Daray ah: Maleeshiyo Galmudug oo Ballibusle Maato ku Dhaawacay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com