Golaha Wasiirada oo Wasaaradda Caafimaadka usaaray inay baarto saamaynta daroogada Tabuu

HomeWararka

Golaha Wasiirada oo Wasaaradda Caafimaadka usaaray inay baarto saamaynta daroogada Tabuu

Golaha wasiirada ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa diiradda saaray saamaynta ay bulshada ku hayso daroogada Taabuug

Uganda oo ciidamo hor leh u soo diraysa Soomaaliya (Sawiro)
Siyaasi Cabdikariim Cali Maxamed Askar oo Si Kulul uga Hadlay Xadhiga Xildhibaan Dhakool (Daawo)
Siyaasi sheegay in gobalka Sool deg deg lagu xoreyn doono (dhegayso)

Golaha wasiirada ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa diiradda saaray saamaynta ay bulshada ku hayso daroogada Taabuuga iyo shiishadda oo isticmaalkoodu kusoo badanayo magaalada Muqdisho.

Kulan gaar ah oo Golaha Wasiirada ay ka yeesheen dhibaatooyinka darroogooyinkan ayaa wasaaradda caafimaadka usaaray inay warbixin ka keento saamaynta ay ku leeyihiin bulshada isticmaalkooda.

Horay ururada bulshada rayidka ee gobolka Banaadir ayaa shirar ugu yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka codsaday dowladda inay joojiso soo dejinta darroogooyinkan oo kasoo dega dekedda Muqdisho.

Tubaakada Taabuu ayaa laga keenaa dalka Indiya, dhalinyarada isticmaasha ayaa badankoodu yihiin ardayda jaamacadaha iyo iskuulada dhigta ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay rumaysanyihiin inay u wanaagsantahay xasuusta iyo imtixaanaadka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: