Golaha Wasiirada oo Shir ka yeeshay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

HomeWararka

Golaha Wasiirada oo Shir ka yeeshay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Shirkii Golaha Wasiiradda Xukuumadda oo looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada ay heystaan Al-Shabaab, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ci

DFS oo hadalki Madaxweynaha Faransiiska ku tilmaamtay mid gaf weyn ku ah islaamka ah
Martisoor, Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan): Halgan nololeed oo aad u dheer | Qaybtii 3aad | daawo)
Saaka & Dunida, Jaamal Faarax Adan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Shirkii Golaha Wasiiradda Xukuumadda oo looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada ay heystaan Al-Shabaab, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka gaareen howl-gallada ka socda qaybo badan oo ka mid ah goballada dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada Al-Shabaab looga xorreeyay deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka laga saaray.

Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen

Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka ilaa hadda ay ka sameyeen doorkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo Al-Shabaab, isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: