Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2022

HomeWararka

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumad

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC
Maamulka gobolka Gedo oo amar culus duldhigay Shirkaddaha duulimaadyada ee taga gobolkaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2022-ka iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Golaha ayaa warbixin ku saabsan amniga dalka ka dhageystay Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, iyadoo Wasaaraddu ay soo jeedisay in xilka Agaasimaha Nabad-sugidda loo magacaabo Mudane Mahad Maxamed Salaad, taas oo ay meel mariyeen Golaha Xukuumaddu.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Malaiyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle ayaa soo gudbiyey miisaaniyadda dowladda oo dhan ,($918.7M) taas oo ay ansixiyeen Golaha Wasiiradu.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey Wasaaradaha Amniga iyo Maaliyadda warbixinaha ay soo gudbiyeen iyo shaqada ay qabteen, isagoo u rajeeyey Agaasimaha Cusub ee Nabad-sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad in Alle u fududeeyo shaqada loo igmaday.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: