Golaha Shacabka oo anixiyay Xubno uu Magacaabay Guddoomiye Aadan Madoobe

HomeWararka

Golaha Shacabka oo anixiyay Xubno uu Magacaabay Guddoomiye Aadan Madoobe

Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda oo xukuno Riday (Daawo)
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha Maalgashiga Soomaaliya

Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada muqdisho, waxana shir guddoominayay Guddooomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe).

Kulanka intii uu socday ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka waxaa ay ku ansixiyeen Habdhawre kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Habdhawre kuxigeenka labaad Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim,kuwaasoo uu soo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),waxaana codka Haa ku ogolaatay 175-xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday halka labad xildhibaan oo kalena ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) ayaa sheegay in labada habdhowre kuxigeen uu soo magacaabay kadib markii uu la tashaday kuxigeenadiisa uuna ilaaliyay nidaamkii loo marayay magacaabista.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulanka ka jeediyay warbixino la xiriira dhibaatooyin kajira degaano katirsan gobolka Bakool, halkaas oo dhowr jeer weeraro ka geysteen Xubno katirsan ururka Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0