Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo qoraal u direy Beesha Caalamka (Akhriso)

HomeWararka

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo qoraal u direy Beesha Caalamka (Akhriso)

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa qoraal u diray qaar ka mid ah madaxda ururada caalamiga ah iyo wasiiro arrimo dibadeedo iyagoo qoraalkood

Turkiga oo ku Baaqay Shir deg deg ah oo looga hadlay Xaaladda Qudus
HESHIISKA DHIIGGA & HUBKA hore ay u kala qabeen Beelaha Sacad & Leelkase
Madaxda wadamada Jabuuti iyo Suudaan oo gaaray Itoobiya

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa qoraal u diray qaar ka mid ah madaxda ururada caalamiga ah iyo wasiiro arrimo dibadeedo iyagoo qoraalkooda ugaga hadlay xaaladda adag iyo is-mari waaga siyaasadeed.

Qoraalkan ayey 15-ka musharax ee golahan u direen Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

“Tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileedka xafiiska ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, 7-dii Febraayo, Soomaaliya ma lahyen dowlad sharci ah oo dastuur ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha Midowga Musharaxiinta waxay sheegeen inay tahay wax laga xumaado in Farmaajo iyo xulafdiisa maamulka ay weli diidan yihiin inay awoodda wareejiyaan, islamarkaana saamileyda kala shaqeeyaan fududeynta doorasho xor iyo xalala ah, sida qoraalka loo dhigay.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in doodda ku dhisan danta shakhsi ee madaxweynihii hore ee ah inuu xafiiska sii joogayo inta laga doorto cid beddesha ay tahay mid aan sax aheyn, sababtoo ah isagaa ay ah sababta ugu weyn ee dib u dhigtay hanaankii doorasho.

Waxa ay Midowga Musharaxiinta shaki geliyeen in Farmaajo uu wareejin doono talada dalka iyagoo sheegay inuu sii wadi doono inuu arbusho dadaallada lagu fulinayo hanaan doorasho oo dimoqraadi ah.

Waxa ku eedeeyeen Farmaajo in ficalladiisa ay helis gelinayaan xasiloonida Soomaaliya, islmarkaana uu weli diidan yahay inuu si daacad ah ula xaajoodo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, sida qoraalka loo dhigay

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: