Garyaqaanka guud ee dowladda” waa In maxkamadda sare aqbasho go’aankii guddiga FEIT ee hakinta kursigan HOP086″

HomeWararka

Garyaqaanka guud ee dowladda” waa In maxkamadda sare aqbasho go’aankii guddiga FEIT ee hakinta kursigan HOP086″

Garyaqaanka Guud ee dawladda Soomaaliya ayaa Jawaab-celin ka kooban 5 bog u diray Maxkamadda Sare ee dalka, taas oo uu kaga hadlay Dacwada Kursiga HOP

New rebel group gains ground in Northern Somalia
XULASHADA DALJIR | CABDIXAKIIN XUSEEN XASAN | GAROWE 24- NOVEMBER- 2022
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Garyaqaanka Guud ee dawladda Soomaaliya ayaa Jawaab-celin ka kooban 5 bog u diray Maxkamadda Sare ee dalka, taas oo uu kaga hadlay Dacwada Kursiga HOP086, ee uu kusoo guuleystay Fahad Yaasiin, balse ay guddiga FEIT hakiyeen.

Garyaqaanka ayaa horey u dalbaday 14-maalmood, balse jawaabtiisa maanta ayaa ka dhigan in waqtigii hore ee laga diiday uu aqbalay, isagoo gabagabeynta doodiisana raaciyey qoraalka.

Garyaqaanka ayaa nuxurka doodiisa ku dul-gooyay

1- In maxkamadda sare aqbasho go’aankii guddiga FEIT ee hakinta kursigan HOP086.

2- In Maxkamaddu dacwadan uga go’aan gaarto, si waafaqsan Danta guud, Cadaalada iyo Sharuucda dalka.

3- In ay diido Cabashada katimi dhinaca Dacwoodaha ah, maadaama aysan jirin go’aan maamul oo kama dambeys ah.

4- In dhinaca Cabashada keenay ay saarto dhaqaalaha ama Kharashka Gal-dacwadeedkan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: