HomeUncategorized

Garoowe: Wasaaradda Haweenka & culimadda diinta oo iska kaashanaya joojinta tacadiyada haweenka (Dhegayso)

Garoowe, June 19,2013, Wasaaradda horumarinta haweenka, arimaha bulshadda & qoyska ee Puntland & culimadda diinta ee Puntland ayaa wada iskaashi ku aadan sidii loo joojin lahaa tacadiyadda haweenka ee dalka Soomaaliya gaar ahaana deegaanadda Puntland.

Golaha xukuumadda Puntland oo Shir ku yeeshay Gaalkacyo
The Prime Minister tables Electoral Process to the Federal Parliament
Muqdisho oo wali dagaallo ay ka sii socdaan iyo dawladda oo sheegatey Guulo. [Akhris …]

Garoowe, June 19,2013, Wasaaradda horumarinta haweenka, arimaha bulshadda & qoyska ee Puntland & culimadda diinta ee Puntland ayaa wada iskaashi ku aadan sidii loo joojin lahaa tacadiyadda haweenka ee dalka Soomaaliya gaar ahaana deegaanadda Puntland.

Wasaaradda ayaa maanta kulan u qabatay qaar kamid ah Culimadda diinta ee Puntland oo ka kala yimid goboladda Mudug, Karkaar, Bari & Nugaal, Waxaana kulankaasi looga hadlayey sidii loojoojin lahaa tacadiyada loogeysto haweenka Soomaaliyeed gaar ahaana Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka, horumarinta bulshada & qoyska ee Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan oo ka hadashay furintaankii shirka ayaa sheegtay in Wasaaradu culimada isugu yeertay sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga tacadiyada islamarkaana culimadu bulshada u gaarsiin lahaayeen fariimaha muhiimka ah ee Wasaaradda.

“Dadkeena waxaan ogaaney inay culimada aad ugu dheganugul yihiin, ?sidaas darteed culimadu waxay noqotay lagama maarmaan, fariin baan rabnaa inay gaadhsiiyaan goboladii ay ka yimaadeen, fariintaasi oo ah sidee haweenka loo dilaa, sababtee loo xoogaa? & iintu maxay ka qabtaa ilmaha la kala fogeeyo (Family planing) , marka ?diintu axay ka qabto ayaan rabnaa in culimada aan uga faa’iidaysano,”ayay tiri Marwo Xaliimo X Xasan.

?

Halkan ka dhegayso hadalka Wasiirka Marwo Xaliimo X Xasan?

Dhinaca kale Wasiirku waxay ka warbixisay in Wasaaraddu ay goboladda iyo degmooyinka dalka ay safaro ku tagtay iyadoo bulshada kusoo sameeyey baraarujin iyo qiimayn ku aadan baahiyaha ay qabaan.

Wasaaradda Haweenka Puntland oo dhowaan magaca laga bedeley oo loo bixiyey Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Bulshadda ee Qoyska, ?ayaa mudooyinkii danbe wadey wacyigelin aad u badan oo ku aadan sidii haweenka loogu samayn lahaa horumar balaadhan loogana gudbo tacadiyada haweenka ay la kulmaan.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Buuhoodle??

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: