Garoowe: Beelaha Puntland oo bilaabay xulista Xildhibaanada 2024-2029.

Garoowe: Beelaha Puntland oo bilaabay xulista Xildhibaanada 2024-2029.

Cuqaasha, Culimada, Aqoonyahanka, dhalinyarada, Haweenka iyo qaybaheeda Kale ee bulshada ayaa isku raacay una xulay in Axmed Cawil Jaamac(Dhangad) uu ku metalo baarlamaanka Puntland 2024-2029.

Axmed Cawil Jaamac oo ah nin dhalin yaro ah oo muddo 10-sanno ka badan ka soo shaqeeyey Saxaafadda maxaliga ah, tan caalamiga ah, samafalka, arrimaha bulshada gaar ahaan arrimaha Waxbarashada ayaa guud ahaan qaybaha bulshada waxgaradka ugu mahad-celiyey in loo gartay mansabkan.

Waxaa kele oo ka codsaday in aan keliya loogu hambalyeynin in loogu duceeyo in Rabbi la garab galo masuuliyadda culus ee ay u igmadeen.

Cuqaasha iyo qaybo kele oo kala matelayey dhinacyada bulshada oo madashan iyana ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay sababbaha ah Axmed Cawil Jaamac ugu cugteen inuu golaha wakiiladda Puntland ku matelo. Waxayna hoosta ka xariiqeen in Waxqabadyadiisii hore ka soo qabtay dhinacyo badan oo waxtar leh, aqoontisa & hawl-karnnimo darteed inay go’aanka xulistiisa ay u cuskadeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0