Garoonka diyaaradaha Doolow oo u xiran xiisad ciidan.

HomeWararka

Garoonka diyaaradaha Doolow oo u xiran xiisad ciidan.

Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa xiran kadib markii muran ka dhashay hannaanka maamulka maaliyadeed ee garoonka. Murankaas

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Laascaanod & Dibadbaxyo ka dhacay
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo IOM kala hadlay Arrimaha Xasilinta
DAARUSALAAM: Hormar, Kontorobaan & Halista COVID-19 oo is Feer Socda!

Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa xiran kadib markii muran ka dhashay hannaanka maamulka maaliyadeed ee garoonka.

Murankaas ayaa isku baddelay xiisad ciidan oo labo dhinac ah, kana wada tirsan ciidamada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah kuwii horay degmada u joogay iyo kuwo cusub oo dhawaan loo keenay xiisadda Beledxaawo ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waa maantii saddexaad oo garoonka aan waxba ka dhoofin, waxna ka soo degin, waxaana jira tuhun ah in isku dhac ciidan uu abuurmo.

Dhawr jeer ayaa la isku dayey xaaladda in la qaboobiyo, is afgaradna lagu dhammeeyo, balse dhinacyadii hore maamul ee heer gobol iyo deegaanba ayaan weli ku qancin xal-raadinta la sameeyey, taasaana sabab u ah in weli garoonkii Doolow uu xiranyahay.

Degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo, waxaa ku suga ciidamo aad u tiro badan oo kuwa xoogga dalka ah, iyo kuwa nabadsugidda ah, ciidamadaasi oo dawladda halkaasi u geysay xiisadaha siyaasadeed ee gobolka, balse ma muuqato tallaabo qaaddo ay sameeyeen, iyo meelo dhab ah oo ay ku wajahanyihiin, waana midda keentay in ay qayb ka noqdaan murannada maamul ee gobolka.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: