Galmudug oo ku guuleystay dib u furida Koontoroolka Gaalkacyo

HomeWararka

Galmudug oo ku guuleystay dib u furida Koontoroolka Gaalkacyo

Maamulka Gobalka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay in dib loo furo koontaroolada Magaalada Galkacyo kuwaas oo maalmihii u danbeey

Camey oo ku baaqay in Doorashada lagu galo xildhibaanada hadda la dhaariyey
Madaxweyne Gaas oo Garoowe lagu Soodhaweeyey (dhegayso & sawirro)
Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl God ma loo Galaa! (Taxanaha 63aad-(dhegayso|daawo)

Maamulka Gobalka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay in dib loo furo koontaroolada Magaalada Galkacyo kuwaas oo maalmihii u danbeeyay u xirnaa ciidan beeleed tabashooyin qabay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Bukhaari ayaa dadaal dheer u galay sidii looga qaadi lahaa ciidamo beeleed ku sugnaa koontaroolada sidoo kalana dowlad gobaleedka Galmudug ay u xalin lahaayeen waxyaabaha sababay in in maleeshiyaad kasoo jeeday beel ka mida beelaha galmudug ay xirtaan kontaroolada .

Intii ay xinaayeen Koontoroolada Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay keentay caqabad ka dhalatay xirnaashaha koontaroolada taas oo ah in gabi ahaanba ay hakad galaan isku socodkii iyo dhaq dhaqaaqyadii ganacsi ee isaga kala gudbi jiray goballada dhaxe iyo kuwa Koofureed ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa dhankiisa sheegay in wada-hadallo muddo u socday Madaxda Galmudug iyo Odyaasha Dhaqanka iyo waxgaradka ay kasoo jeedaan maleeshiyaadka xirtay Koontoroolada ay sababtay in laga qaado.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale waxaa maleeshiyo beeleedyo sheegaya inay xaquuq uga maqan tahay Maamulka Galmudug ay u xirteen Koontoroolada laga soo galo Magaalada Gaalkacyo wallow markii dambe dib loo furay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: