Farmaajo oo soo saaray wareegto uu ugaga hakinayo dowlada inay gasho heshiisyo

HomeWararka

Farmaajo oo soo saaray wareegto uu ugaga hakinayo dowlada inay gasho heshiisyo

Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo uu ugaga joojinayo Hay’adaha Dowladdu inay

Beelaha Siwaaqroon oo tageeray Nidaamka dumuqradiyadda Puntland
Xulashada Daljir & Xasan Baashe, Daljir Garoowe (dhegayso)
LAASCAANOOD: Beesha Guleed Barkad oo gaadiid dagaal oo taangiyo ku jiraan geysay furimaha dagaalka

Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo uu ugaga joojinayo Hay’adaha Dowladdu inay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.
Qoddobada uu soo saaray Madaxweynaha muddo xilledkiisu uu dhamaaday ayaa waxaa ka mid ah;
1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

2. Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.

3. Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.

4. Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda 19kii Jannaayo 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud.

5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay ilaaliyaan sharafka, qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.

Xeerkan Madaxweyne ayaa soo baxay xilli lagu wado in magaalada Muqdisho ay soo gaarto wasiirka arrimaha dibbada dowlada Kenya iyadoo wadahadalo la yeelanaysa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibbada iyo Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kale waxaa la qorsheynayay in dhawaan uu booqdo dalka Kenya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: