Farmaajo oo ka hadlay geeridii ku timid Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga

HomeWararka

Farmaajo oo ka hadlay geeridii ku timid Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda So

Taliyaha Ciidamadda Badda Puntland oo Beeniyaay inuu Katirsana Ciidankooda Askari Gabar dhibaateyey (dhegayso)
Kulan lagu tageerayo Midowga Galmudug iyo Ahlusunna oo lagu qabtay Dhuusomareeb dhegayso)
Ruushka oo sheegtay in uu degaano horleh kala wareegay Ukraine

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nayroobi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. “Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, isagoo billad ku qaatay difaaca Qaranka sannadkii 1964-tii.

Sidoo kale waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: