Falanqayn: Xiriirka Puntland iyo India iyo ahmiyadda shacabka (dhegayso)

HomeWararka

Falanqayn: Xiriirka Puntland iyo India iyo ahmiyadda shacabka (dhegayso)

In India iyo Puntland noqdaan laba dhinac oo isdhaafsanaya wax soo saarkooda ayaa muhiim u ah labada dhinac ayuu qabaa Khabiir Sharmarke Cabdulaahi Ca

Gudiga Hormarinta Gobalka Mudug oo kulan ku yeeshay Gaalkacyo
Fadeexad dul hoganaysa Xiriirka Kubadda cagta Puntland!
Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galaya shirka dhamaystirka Deyn-Cafinta

In India iyo Puntland noqdaan laba dhinac oo isdhaafsanaya wax soo saarkooda ayaa muhiim u ah labada dhinac ayuu qabaa Khabiir Sharmarke Cabdulaahi Cali oo ah khabiir ganacsi oo fadhigiisu yahay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Waxaa uu ka digay haddii xiriirka ganacsiga ee labada dhinac ee Puntland iyo India uu noqdo mid sidii hore ahaa tusaale in Indiya kaliya badeecado laga keeno oo dhaqaallaha Puntland loo daabulo. iyadoo aan Puntland waxba aysan ka dhoofsan, taasi oo uu sheegay inay dhibaato ay noqonayso.

Dhanka kalle xiriirka ganacsi ee labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah Fiisaha Indiya oo horay looga doonan jiray magaalada Muqdisho iyo dalka dibadiisa in Garoowe lagu bixiyo, waxaana uu ku tilmaamay qodobkaasi inuu yahay mid shacabka Puntland ay uga raysan doonaan dulaalo lacago ay ku bixin jireen magaalada Muqdisho, qarash hoteel iyo xaaladda amni ee Muqdisho oo ahayd mid aan la isku halayn karin, balse khabiirka ayaa qaba in tani ay dhibaato dhanka kalle ay yeelan karto haddii dadka India  ah usoo shaqo tagaan Puntland oo ay qabtaan shaqooyinka hoose ee muwaadiniinta ay ka shaqayn jireen.

Sharmaarke ayaa ku booriyay in xoogga la saaro oo laga faa’iidaysto culuumta dhanka beeraha ee Hindida iyo warshadaha wax soo saarka, iyo aqoonta kalle ee sare, si uu noqdo xiriirka ganacsi ee Puntland iyo India mid isku dheeli tiran.

Hoos kadhegayso, waxaa uu u waramay MCI oo Bosaso ku sugan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: