Faahfaahin: Qarax Khasaare geeystay oo ka dhacay Paris

HomeWararka

Faahfaahin: Qarax Khasaare geeystay oo ka dhacay Paris

Wararka ka imaanaya magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo sababay qasaare nafeed iyo bur

Madaxweynaha Dowladda Somaaliya oo Casumaad u fidiyeey Madaxda Maamuladda Dalka
BARNAAMIJKA DHACDOOYINKA LAYAABKA DUNIDA | Xuseen Cabdi (Madar) & Nimco Maxamed
SAFARKII SODDONKA MAALMOOD & SOCDAALKII SAHANKA DALJIR EE DHULKII LOO YAQAANEY GAARIWAA

Wararka ka imaanaya magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo sababay qasaare nafeed iyo bur bur xoogan,waxaana goobtaasi ku sugan ciidamada amniga.

Gawari taalay meesha qaraxa uu ka dhacay iyo dhismayaal ayaa burbur xoogan uu soo gaaray,waxaana dhaawac uu ka soo gaaray dad badan oo goobtaasi ku sugnaa.

Laamaha ammaanka dalkaasi Faransiiska ayaa ka shakisan in qaraxaasi uu ka dhashey qulqulka gaas,kaasi oo dhaliyay qarax kana dhacay meel u dhow foorno gudaha magaalada Paris,barqanimadii maanta.

Ciidamada booliska oo goobtaasi ku sugan ayaa dadka ku amray in ay ka fogaadaan goobta qaraxaasi uu ka dhacay,waxaana soconaya gurmaddeg deg ah.

Dalka faransiiska waxaa ka soconaya banana baxyo, looga soo horjeedo dowladda,balse waxaa la sheegayaa in usaan wax lug ah ku lahayn qaraxaasi dhacay arrimaha siyaasadda ee xiligan taagan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: