Faahfaahin: Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawacba geystay oo ka dhacay Muqdisho

HomeWararka

Faahfaahin: Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawacba geystay oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan toban ruux oo isugu jira askar iyo dad rayid ah ayaa ku dhintey tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ka dhacay maqaaxi ku taal meel

Burtinle: Qoysas danyara oo la gaarsiyey deeq raashina
Kulamo looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo weli socda
Askari lagu helay fududaynta Dilkii Paul Farmosa oo lagu xukumay Bosaso (dhegayso)

Ugu yaraan toban ruux oo isugu jira askar iyo dad rayid ah ayaa ku dhintey tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ka dhacay maqaaxi ku taal meel ku dhow isgoyska Jubba.

Qaraxan ayaa dhacay xilli uu mashquul badan ka jiray isgoyska Jubba oo ay ku taallay maqaayada la isku qarxiyey.
Qoys degenaa dhismaha ay ku tiil maqaaxida uu qaraxa ka dhacay ayaa waxyeelo ka soo gaartay iyadoo afar ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Muqdisho ayaa amnigeedu uu wanaagsanaa toddobaadyadii la soo dhaafay hase yeeshee waxaa qaraxyada ay geysanayaan dadka isku soo xira jaakadaha ka sameysan waxyaalaha qarxa ay ku soo badanayaan caasimadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: