Faahfaahin laga helayo weraar markale lagu qaaday xuutiyiinta

HomeWararka

Faahfaahin laga helayo weraar markale lagu qaaday xuutiyiinta

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaraddaha dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ay weerarro cusub oo xagga cirka ah ku qaadeen, bar

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Khayre oo Magacaabay Guddiga maalmaha xoriyadda
Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Bulshadda rayidka ah & guddiga KMG ah ee doorashooyinka PL

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaraddaha dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ay weerarro cusub oo xagga cirka ah ku qaadeen, bartilmaameedyo ku yaala dalka Yemen, kuwaas oo ay leeyihiin xuutiyiintu.

Maraykanka ayaa sheegay in weerarradii dhacay habeenimadii Sabtida lala eegtay kaydadka hubka, kuwa diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa qumaatiga u kaca ee ururka xuutiyiinta Yemen.

Ingiriiska ayaa sheegay in talaabada isbahaysigu qaaday looga gol leeyahay, sidii loo dhimi lahaa awoodda kooxda xuutiyiinta.

Waxa jiray weerarro is xigxigay oo kooxdan ay Iiraan taageerto ay ku qaadayeen, maraakiibta ganacsi ee maraya, marin biyoodka muhimka ah ee Badda Cas.

Xuutiyiinta oo maamula dhul balaaran oo dalka Yemen ah oo ay ku jirto caasimadda Sanca, ayaa bartilmaameed sanayay maraakiib ay la xiriirinayeen Israa’iil iyo wadamada reer galbeedka, iyagoo kaga jawaabaya dagaalka Israa’iil ee Qasa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: