Duqeymo ka dhacay degaano katirsan Gobolka Galgaduud & faah faahin laga helayo

HomeWararka

Duqeymo ka dhacay degaano katirsan Gobolka Galgaduud & faah faahin laga helayo

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacay degaano katirsan Gobolka Galgaduud, taas oo lala beegsaday goobo ay ku

Jigjiga oo lagu soo gabagabeyeey Barnaamijka Tabucaraadka Bilaha Xagaaga (Sawiro)
Waxgarad ku baaqay joojinta colaadda gobalka Sool ka soo cusboonaatay (dhegayso)
Maamulka Hiirshabeele oo sheegay inay u arayaan Xildhibaanadi Balcad lagu dilay (dhegayso)

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacay degaano katirsan Gobolka Galgaduud, taas oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab.

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay duqeeyeenSaldhgyo ay Al-Shabaab kulahaayeen degaano hoostaga Degmada Galcad, gaar ahaan Halka loo yaqaano Ceel Xasan Cali iyo Bud-bud meel u dhaw sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo is aruursanayay wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya warka kasoo baxay Saraakiisha dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada ay duqeynta ka dhaceen ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay ka wadaan howlgallo kala duwan, iyaga oo doonaya inay degaannadaas la wareegaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: