Duqa Muqdisho oo Amray in sidii Al-Shabaab loola dagaalamo Ciyaal weerada

HomeWararka

Duqa Muqdisho oo Amray in sidii Al-Shabaab loola dagaalamo Ciyaal weerada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda Degmooy

Go’aano laga soo saaray Shir lagu heshiisiinayay Soomaalida & Oromada (daawo)
Hooyo ka shaqaysa suuqa Hargaysa iyo xakamaynteeda cudurka Covid19 (daawo)
Xulashada Daljir & Khadar Cawl Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda Degmooyinka dhaca qeybta Bari iyo saraakiisha Laamaha Amniga, kaasi oo loogu hadlayay u diyaar garowga Qorshe Howleedka sanadka cusub ee 2023 iyo Qorshaha wada-shaqeynta laamaha Amniga iyo Maamulada degmooyinka.

Guddoomiyaha ayaa kulanka ka sheegay in Ciyaal weero hadii aan hada leyska qaban oo aan lala dagaalamin sidii Shabaab oo kale ay noqonayaan, ayna u baahan doonaan in lagala dagaalamo Cir iyo dhul sidoo kalena ummada ay baad ka qaadi doonaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo saraakiisha laamaha Amniga ee Degmooyinka dhaca qeybta Bari in ay dardargaliyaan Horumarinta Degmada, sida Nadaafada, Bilicda, Dib-u-dhiska, wax ka qabashada kiisaska Amniga, Cayaal weerada iyo in iskaashi buuxda laga wada yeesho dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhowr jeer ayuu kusoo cel celiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in lala dagaalamo ciyaal weerada inta aysan xoogeysan, isaga oo walwal ka muujiyay inay xoogeystay hadhowna awood loo yeelan waayo in lala dagaalamo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: