HomeUncategorized

Dr. Saacid Faarax Garaad oo noqday R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Muqdisho Oct 6-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Somalia Md Xasan Sh Maxamuud ayaa goor dhoweyd xarunta Madaxtooyada Villa Somalia kaga dhawaaqay Ra'isal Wasaaraha Cusub ee Somalia.

RW Khayre: “Shabaabka iyo dowladiidka waa isku mid” (dhegayso)
Munaasabada xuska qowmiyadaha Itoobiya oo ka bilaabanaysa maanta magaalada Jig-jiga ee DDSI
Maamulka degmada Burtinle oo kormeeray Xarumaha waxbarashada (sawiro)

?

Muqdisho Oct 6-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Somalia Md Xasan Sh Maxamuud ayaa goor dhoweyd xarunta Madaxtooyada Villa Somalia kaga dhawaaqay Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Somalia.
?
Xilka Ra’isal Wasaarenimo ee dalka ayaa loo magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon oo loo yaqaano Saacid Faarax Garaad, Waxaana magacaabistiisa lagu shaaciyey munaasibad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
?
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Md Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goob joog ka ahaa munaasibada lagu magacaabay Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Somalia.
?
M/weyne Xasan Sh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo saxaafada la hadlay ayaa Ra’isal Wasaaraha Cusub u rajeeyey in alle u fududeeyo hawlaha adag ee horyaala.
?
Ra’isal Wasaaraha Cusub oo hadal kooban jeediyey wuxuu sheegay in mudo kooban uu kusoo dhisi doono Xukuumad Cusub oo tayo leh dalkana ka samatabixisa maraxalada adag ee uu marayo.
?
Masuulka loo magacaabay Ra’isal Wasaaraha Dalka ayaa ah nin maalmihii danbe aad loo saadaalinayey in loo magacaabo Jagadan, Radiodaljir ayaa xalay heshay xogta ?dhabta ah ee magacaabista Ra’isal Wasaaraha Cusub.
?
Saacid Faarax Garaad Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Somalia ayaa ah nin Ganacsade ah kuna Cusub siyaasada Somalia,Waxaana horyaala marxalado adag oo u baahan maarayntooda.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: