Dowladda Soomaaliya & UNESCO oo heshiis kala saxiixdey

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya & UNESCO oo heshiis kala saxiixdey

Kadib kulan looga hadlay horumarinta wada shaqeynta Soomaaliya iyo UNESCO, oo ka dhacay Muqdisho ayaa wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre

Ninkii Dhawaan Byadhabo ku dilay Haweeneydii Ganacsatada ahay oo maanta lagu fuliyay Xukun dil ah
Madaxa Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay oo ka Hadlay Safarkiisa Puntland (dhegayso)
Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Barlamaanka: “Wax laga xumaado weye haddalkaas gafka ah”

Kadib kulan looga hadlay horumarinta wada shaqeynta Soomaaliya iyo UNESCO, oo ka dhacay Muqdisho ayaa wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre oo qayb ka ahaa shirka iyo agaasimaha Guud ee UNESCO Audrey Azoulay waxay kala saxiixdeen heshiis Soomaaliya iyo UNESCO isaga kaashanayaan hurumarinta waxbarashada ayadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga eh.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in Soomaaliya ay aaminsantahay in dhaqanku qeyb ka yahay sooyaalka bulshada iyo jiritaankeeda, islamarkaana muhiim u yahay horumarka iyo hiigsiga mustaqbalka isaga oo intaa raaciyay Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ku biiridda Soomaliya ee cahdiyada UNESCO ee 1972 iyo 2003 waxey horseed u noqon doonaan in la dhowro goobaha taariikhiga ah, dib loo nooleeyo hiddo-dhaqameedka, laguna daro Diiwaanka caalamiga ah ee goobaha taariikhiga ah ee caalamka.

in Soomaaliya u taagantahay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeeya UNESCO. Soomaaliya ayaa UNESCO xubin ka aheyd laga soo billaabo 1960kii.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: