Dowladda Soomaaliya & QM oo ka wada hadlay gurmadka Abaaraha

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya & QM oo ka wada hadlay gurmadka Abaaraha

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsam

Gaas oo Gaalkacyo Dhagaxdhigay Gagi Cusub oo Diyaaradeed
Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Xera Dhagaxleey oo hoostaga degmada Hobyo.
Madaxweynaha Puntland oo tacsiyeeyay Geeridii Amiirkii dalka Kuwait

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula.

Ergeyga iyo wakiilka ayaa iska xog-wareystay halka ay marayaan howlaha gargaarka ee labada dhinac iyo tallaabooyinka ay hadda tahay in la qaado ee dardargalin, wacyi-galin iyo u qeylo-dhaaminta Dowladaha, deeq-bixiyayaasha iyo dadka wax heysta.

Waxa ay bogaadiyeen howlaha lama huraanka ah ee ilaa hadda qabsoomay, waxayna hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay dhaqaale badan iyo isku-duwid xooggan, si looga baaqsado in macluushu daad goosato xaalkuna intaan ka sii xumaado.

Adam Abdelmoula ayaa bogaadiyay sida Dowladda Federaalka diiradda u saareyso howlaha gargaarka, iyadoo dhinacyadu dood wax ku ool ah ka yeesheen sidii looga hortagi lahaa in xaaladdu faraha ka baxdo macluul daranna dillaacdo.

Adam oo sidoo kale ah Xiriiriyaha iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in QM sameyneyso xarumo waawayn oo howlgallada gargaarka laga dardar geliyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: