Dowladda Soomaaliya oo gurmad gaarsiisay gobalka Gedo

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo gurmad gaarsiisay gobalka Gedo

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dow

UK-backed RRU paramilitary unit clashes with rebels in northern Somalia
Puntland: Shacabka oo awaamiir adag lagu soo rogay
Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka Jubaland kuwaas oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba oo mara Degmooyinka Gobolkaas ayaa maanta laba Doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere .

Doomahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan kuwaas oo ay go’domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado elokobtar ah.

Sidoo kale hay’adda ayaa diyaarisay Gurmadyo kala duwan oo gargaar ah kuwaas oo iskugu jira Raashin,Dhar iyo Daawo waxaana la rarayaa dhawaan, iyadoo la gaarsinayo degmoyinka iyo deeganada fatahaadaha iyo daadadka ay ku rogmadeen, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SODMA doon nuuca dheereya ah gaarsiisay degmada luuq.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: