Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geeysay Shabeellaha Dhexe & dhaq dhaqaaqyo ka socda

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geeysay Shabeellaha Dhexe & dhaq dhaqaaqyo ka socda

Ciidamo katirsan kuwa Kumaandooska DANAB & Gorgor oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay gaareen degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha dhexe si hal

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay hindise-sharciyeedka difaaca Qaranka

Ciidamo katirsan kuwa Kumaandooska DANAB & Gorgor oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay gaareen degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha dhexe si halkaasi uga bilaabaan guluf dagaal oo ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Degmo Xeebeedka Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa habeeno ka hor gaaray Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya oo ay horkacayeen Xildhibaan Maxamed Cajiib, X Abuukaate, iyaga oo uga sii gudbay dhinaca degaanka Xaaji Cali ee isla Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay kusii daabuleyso Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la qorsheeynayaa inay howlgallo ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ku wajahaan degaannada Masaajid Cali Gaduud, Al-Kowthar iyo Saldhiga ugu weyn Al-Shabaab ay kuleeyihiin degmada Aadan-yabaal ee Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ka go’an tahay in Al-Shabaab guud ahaan laga xoreeyo degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha dhexe si culeyska looga yareeyo Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka eek u sugan gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa ay waday guluf dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, waxaana Ciidanka dowladda iyo dadka Shacabka ah e hubka qaatay ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano kuyaalla Gobolada Hiiraan & Galgaduud.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0