Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqayntii xalay Israa’iil u geysteen Isbitaalka Al-ahli ee Gaza

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqayntii xalay Israa’iil u geysteen Isbitaalka Al-ahli ee Gaza

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqayntii xalay Israa’iil u geysteen Isbitaalka Al-ahli ee Gaza oo in ka badan 500 qof ku dhinteen.

DHAGAXBUUR & HASHII GAROWO EE KAFANTA LOO TOLAY!
Ciidamadda dowladda iyo alshabaab oo shabeelaha hoose ku dagaalamay
MAXAY QABATAA XARUNTA DHAQAN AW JAAMAC CIISE EE MAGAALADA GALKAACYO WARBIXIN WARIYE NIMCO NASAB

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqayntii xalay Israa’iil u geysteen Isbitaalka Al-ahli ee Gaza oo in ka badan 500 qof ku dhinteen.

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Arimaha dibadda oo afka carabiga ku qornaa ayaa lagu yiri: “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u canbaareynaysaa falkii duqaynta ahaa ee loo geystay Isbitaalka Al-ahli ee Gaza oo sababay dhimashada in ka badan 500 qof oo rayid falastiiniyiin ah oo ay ka midyihiin caruur iyo haween, waxaana masuuliyadaas qaaday ciidanka Israa’iil ee gumaystaha”

Warsaxaafadeedka Dowladda Soomaaliya waxaa lagu sheegay in falkaan yahay mid xadkii dhaafay wax marmarsiiyana aan loo heli Karin kana soo horjeeda sharciyada iyo curfiga adduunka iyo qawaaniinta Xuquuqul aadanaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in adduunku soo fara geliyo arrintaan xasuuqa ah ee lagu haayo falastiiniyiinta Gaza.

Hadalka dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya ayadoo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu manta booqday Tal Aviv si uu u garab istaago Yahuuda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: