Dowladda Somalia oo shaacisey Tirada dadka laga helay COVID19

HomeWararka

Dowladda Somalia oo shaacisey Tirada dadka laga helay COVID19

Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID19 oo shir jaraa’id ku qabtay isbitaal Martiini ayaa sheegay in xarunta karantiilka Mu

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Galmudug: Boolisku waa Qashin-xaaqaha Bulshada, Waraysi Taliyaha Qaybta G. Mudug Maxamed Nuur Cali
Soomaaliya iyo Jordan oo ka wada hadlay la dagaallanka argagixisada

Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID19 oo shir jaraa’id ku qabtay isbitaal Martiini ayaa sheegay in xarunta karantiilka Muqdisho lagu hayo 5-qof oo laga helay Coronavirus iyo 15 kale oo baaritaan lagu hayo.

Xubnaha guddiga ayaa waxaa ays heegeen in marnaba aan la inkiri karin in uu jiro Cudurka,hayeeshee aan sirasmi ah loo cadeyn karin in dalka Somalaiya uu ku faafey Cudurka COVID 19.

Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin oo xubin kamid ah Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID19 ayaa sheegay in Cudurkaan uu yahay mid jira oo duniada ku baahey,isla markaana Shacbaka looga baahan yahay inaysan inkirin.

Waxaa uu cadeeyey in Soomaaliya 5 qofood oo qaba Cudurka Corona laga helay oo laba qof ay yihiin Ajanbi shantaasi qof mid kamid ah uu ka bogsoodey,sidoo kalena la haayo 17 Qof oo Cudurka looga shakiyey baaritaana lagu haayo.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in xanuunka Coronavirus uu yahay mid qofka uu ku dhici karo,hayeeshee Shacabka Soomalaiyeed looga baahan yahay in qofkii iska shakiyo uu tago Xarumaha Caafimaad.

Audio Player

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: