Dowladda Somaaliya oo Ciidamo geysay Xadka Somaaliya & kenya

HomeWararka

Dowladda Somaaliya oo Ciidamo geysay Xadka Somaaliya & kenya

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la geeyay degaannada Xadbeenaadka Kenya Iyo Somaliya gaar ahaan Degmooyinka Balad-Xaawo I

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la dhaariyay (Sawiro)
Guddiga doorashooyinka Puntland oo la kulmay ururada bulshada (dhegayso)
Amaanka Boosaaso oo aad loo adkeeyay iyo cabsi laga qabo Dibadbaxyo rabshado wata (dhegayso)

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la geeyay degaannada Xadbeenaadka Kenya Iyo Somaliya gaar ahaan Degmooyinka Balad-Xaawo Iyo Mandheera, kadib farriin hanjabaad ah oo shalay ka timid dowladda Kenya.

Deegaannada Ciidamada la geeyay ayaa waxaa horay ugu sugnaa Ciidamada Dowladda ay geysay gobolka Gedo ee dagaalka la galay Wasiirka Amniga Jubbaland, balsae ciidamo kale oo horleh oo wata Hubka noocyadiisa kala duwan lagu kordhiyay.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Gedo, Bakaal Kooke iyo qaar ka mid ah, Saraakiisha Ciidamada Guutada 12aad Qeybta 43aad Ee Degmada Balad-Xaawo ayaa halkaasi geeyya Ciidamada, iyaga oo lagu biiriyay kuwii horay u joogay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo Ciidamada la hadlay ayaa faray inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga dhinaca Xaduudka, halkaas oo dhawaan sidoo kale ay isku rasaaseeyeen Ciidamada Dowladda & kuwa Kenya.

Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya Madaxdooda weli wax jawaab ah kama bixin hadalkii digniinta iyo hanjabaada ahaa ee shalay kasoo yeeray dowladda Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: