Dowladda oo sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalku ay dile 40 katirsan Kooxda Al-shabaab

HomeWararka

Dowladda oo sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalku ay dile 40 katirsan Kooxda Al-shabaab

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa howlgalo dhowr ah oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan kooxda Al-s

Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Jeekey, Nairobi (daawo)
ARDAA Xalqaddii 45aad: Dabdamis La’aanta Garoowe (dhegayso)
QM oo sheegtay in Caalamka kusoo wajahan tahay musiibo kale

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa howlgalo dhowr ah oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan Jubbooyinka.

Howlgalka ayaa xoogiisa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Weel Maaroow iyo deegaano kale 42 KM u jira degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

War kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 40 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ay ku jiraan madaxii qaraxyada u qaabilsana Shabaab deegaanada Jubbooyinka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan iyo ku xigeenkiisa Cabdi Mahad iyo xubno kale.

“40 ka tirsan Khawaarijta nafla caariga ah oo ay kamid yihiin horjoogayaal iyo madaxii Qaraxyada Jubooyinka Farxaan iyo ku xigeenkiisii Cabdi Mahad ayaa lagu kharajiyey howlgalka , Sidookale saraakiisha khawaarijta ee lagu dilay waxaa kamid ahaa madaxii maaliyada ee deegaanka Weel-Maaroow” ayaa lagu yiri warka lagu daabacay Warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Ciidamada iskaashanaya ayaa sidoo kale la sheegay iney burburiyeen Saldhigii kooxda ku laheyd deegaanka Weel Maaroow iyo goobo kale oo Al-shabaab gambaad ka dhiganayeen.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa si aad ah u kordhiyay mudooyinkii dambe howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolada Jubbooyinka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0