Dowladda oo gaadiid ku daabulaysa dadwaynaha magaalada Muqdisho

HomeWararka

Dowladda oo gaadiid ku daabulaysa dadwaynaha magaalada Muqdisho

Gaadiid waawayn oo ay leedahay dowladdda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu arkayaa waddooyinka magaalada Muqdisho , iyagoo daabuulaya dadka

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geedi, Daljir Doolow (dhegyso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifatax Cumar Geeddi, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Gaadiid waawayn oo ay leedahay dowladdda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu arkayaa waddooyinka magaalada Muqdisho , iyagoo daabuulaya dadka shacabka ah ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyinka kalle duwan ee magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro munaasabadda 1da Luulyo oo ku beegan xiligii dalka uu xornimada ka qaatay gumaystihii Talyaaniga gaar ahaana gobolada Koonfureed ee dalka iyo israacii goboladii waqooyi iyo koonfur.

Munaasabado waawayn ayaa ka socda magaalada Muqdisho, iyaddoona ammaanka aad loo adkeeyey, waxaana waddooyinka loo xiray si ammaanka uu qal qal ugu iman.

Laakiin arrinta ku cusub shacabka Muqdisho ayaa ah iyadoo uu xiranyahay waddooyinka ayaa hadana la arkayaa gaadiid dowladda ay leedahay oo lagu daabulayo shacabka laguna gaynayo goobaha xiran iyo meelo ka baxsadan, si isku socodka magaalada ee shacabka aanu hakad ugu imaan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: