HomeUncategorized

Dowladda Nigeria oo xabsiga dhigtay xubno lagu helay Musuq-maasuq

Arbaco, Juun 03, 2015 (Daljir) — Dowladda Nigeria ayaa Xabsiga dhigtay Qaar ka mid ah shaqaalaha Bangiyada dalkeeda, kuwaasoo lagu helay inay lacago badan xadeen lacago aad u badan Bangiyada dalkaas, iyagoo sanaadiiqda bangiyada ka buuxiyay lacago been-abuur ah oo ay ka sameeyeen warqadaha Jaraa\'iddada.

?Dad Somali ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta, qaarna waa la la?yahay? Qunsulka safaaradda Somalida ee Cadan.
DHEGEYSO-Kulan looga hadlayey korukaca dollarka oo Qardho kadhacay.
DHEGEYSO-Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo booqanaya G. Gedo.

Arbaco, Juun 03, 2015 (Daljir) — Dowladda Nigeria ayaa Xabsiga dhigtay Qaar ka mid ah shaqaalaha Bangiyada dalkeeda, kuwaasoo lagu helay inay lacago badan xadeen lacago aad u  badan Bangiyada dalkaas, iyagoo sanaadiiqda bangiyada ka buuxiyay lacago been-abuur ah oo ay ka sameeyeen warqadaha Jaraa\’iddada.

Shaqaalahan la Xir-xiray ee Bangiyada ka Shaqaynayey ayaa Waxaa lagu helay in ay jar-jareen waraaqaha wargeysyada dalkaas qaarkood iyagoo u ekeysiiyay lacag, kaddibna ka buuxiyay sanaduuq lacagaha lagu keedinayay.

Waxaa kaloo lagu helay shaqaalaha inay xadeen lacag gaaraysa dhowr kun oo kiilo oo ah lacagta NIERA ee Dalkaas laga Isitmcaalo, iyagoo ku bedelay Waraaqihii ay u ekeysiiyeen lacagta. .

Guddiga ka hor-tagga Musuq-maasuqa dalka Nigeria ayaa xabsiga u Taxaabay lix mas’uul oo ka tirsan Bangiga EFCC waxaa kaloo ay xireen 16 shaqaale ah oo iyana ka shaqeenayay Bangiyada gaarka loo leeyahay ee Dalkaas.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Madaxweynaha cusub ee Nigeria, Mahamadou Buhari uu Xafladdii Dhaarintiisa ka sheegay in La-dagaallanka Musq-maasuqa uu mudnaanta ugu horreysa siin doono.

Shaqalahan Bangiyada ka shaqeynayay ayaa la xiray Toddobaadkii hore inta aan la dhaarin madaxweynaha cusub, mana ahan Taallaabo uu isagu Qaaday, balse Waxay Sharaf u tahay guddida la-dagaalanka Musuq-maasuqa dalka Nigeria.

Ugu dambeyn, Bangiga dhexe ee Nigeria ayaa xusay inay arkeen khaladkan kaddib markii ay sameeyeen xisaabi-xil-ma-leh, ayna warbixin u gudbiyeen Hanti-dhawrka Qaranka; taas oo sabab u ahayd in la xiro shaqaalahan.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: