Dowladda Maraykanka oo shaacisay Khasaaraha duqayn ka dhacday Gobalka Hiraan

HomeWararka

Dowladda Maraykanka oo shaacisay Khasaaraha duqayn ka dhacday Gobalka Hiraan

War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya maali

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Xasan heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (DHEGAYSO)

War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya maalintii Arbacadda aheyd waxaana mareykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay Khasaare.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen degaanka Shabeelley oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka.

24 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Shabaab.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: