Dowladda Maraykanka oo Lacag $575-Milyan Siinaysa Wadamo ay Somaaliya Kujirto

HomeWararka

Dowladda Maraykanka oo Lacag $575-Milyan Siinaysa Wadamo ay Somaaliya Kujirto

Wakaaladda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga USAID ayaa ku dhawaaqday $ 575 Milyan oo dheeraad ah oo gargaar ah in ay siineyso dalalka Yemen, Koonfu

Guddiga 33-SSC-KHAATUMO oo hambalyo u diray shacabka Puntland
Shir looga hadlayeey Adkaynta Amniga Gobalka Mudug oo Gaalkacyo lagu soo gabgabeyeey (Sawiro)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Garoowe (dhegayso)

Wakaaladda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga USAID ayaa ku dhawaaqday $ 575 Milyan oo dheeraad ah oo gargaar ah in ay siineyso dalalka Yemen, Koonfurta Suudaan, Nigeria iyo Soomaaliya oo Abaaro ay ka jiraan.

Waxay sheegtay Khamiistii ujeedada lacagtan ay u bixineyso in ay tahay sidii ay u caawin laheyd malaayiin qof oo Afartan wadan ku wajahaya gaajada iyo rabshadaha.

“Lacagta dheeraadka ah waxay keenaysaa kaalmada bini’aadanimo ee Mareykanka ilaa $ 2.5 bilyan oo ah afartan dal ee tan iyo bilawgii sanadka 2017.” Ayaa lagu yiri warka Hay’adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga ah.

Mark Green, Madaxa USAID, ayaa Maaliyaddan cusub kaga dhawaaqay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay New York, halkaas oo hoggaamiyeyaasha caalamku ay ka maqlaan dhibaatada aan caadiga ahayn ee ka jira dalalkan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: