HomeUncategorized

Dowladda Faderaalka Soomliya oo cambaaraysay weerarkii ismiidaaminta ee shalay Muqdisho kadhacay.

Mogadishu,Feb 9 -Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarkii isiimiidaaminta ahaa ee shalay galab kadhacay magaalada Muqdisho ayna waxyeelo kasoo gaartay dad u badan.

Maraykanka oo Xiyaraado saaray hantida Saraakiil ka tirsan dowladda Burundi
Macaawimooyin loogu gargaarayo dadkii ku hanti-waayey fatahaadda wabiga oo Beledweyn la gaarsiiyey.
DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Khamiis_17

Mogadishu,Feb 9 -Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarkii isiimiidaaminta ahaa ee shalay gab kadhacay magaalada Muqdisho ayna waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan.

Warsaxafaded kasoo baxay dowladda faderaalka ayaa lagu sheegay weerarkaasi inay ku dhaawacmeen laba xildhibaan oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda ayaa ku’eedaysay weerarkaasi inay ka dambeeyaan ururka Al-shabaab.

Warsaxafadeedk oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan

(Muqdisho, Febraayo 8, 2012) Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay
weerar uu qof naftii-hallige ah uu u adeegsaday gaari yar oo ay ka
buuxeen waxyaabaha qarxa. Weerarkaas waxaa ku geeriyooday 13 qof oo
rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo joogay goobo ganacsi oo
ku yaalla degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Dadka ay wax gaareen waxay u badnaayeen shacab isugu jira
tima-jarayaal, taksilayaal, adeegayaal maqaayadda ka shaqeynayay iyo
shacab kale.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa xaqiijisay in laba
xildhibaan uu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarka, iyagoo xusay in
weerarkaasi uu ahaa mid uu fuliyay qof naftii-hallige ah, kana
tirsanaa Al-Shabaab oo ah koox argagixiso ah oo ku xiran Al-qaacida.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir
Xuseen Maxamed ayaa yiri:

?Aad ayaan u cambaareynaa weerarkan wuxuushnimada ah. Wax dan ah kama
laha weerarkan oo aan ka ahayn inay argagax geliyaan shacabka
Soomaaliyeed oo noloshooda wata. Waxay muujineysaa arxan-darridooda
iyo sida aysan u tixgelineyn bani?aadannimada.?

Madaxweynaha, Ku-xigeenka Ra?iisul Wasaaraha iyo wasiirro kale ayaa
booqday goobta uu qaraxu ka dhacay iyo isbitaalka la geeyay
dhaawacyada, iyagoo tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii ay ka baxeen
dadkii geeriyooday, waxayna u rajeynayeen dadka dhaawacmay inay si deg
deg u soo bogsoodaan.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli shacabka Muqdisho ay intooda badan dib
ugu soo laabteen guryahooda, ayna billaabeen inay dib u dhistaan
noloshooda kaddib sanado badan oo ay barakac uga maqnaayeen.

DHAMMAAD.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: