Dowladaha Soomaaliya & Turkiga oo gaaray heshiis

HomeWararka

Dowladaha Soomaaliya & Turkiga oo gaaray heshiis

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga ayaa maanta ku kulmay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga. Kulanka ayaa sida uu sheegay agaasim

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay xisaadda siyaasadeed ee kataagan Somaliland
“Kumaandooska Puntland ee Maraykanku tababaray oo joojiyey dagaalka kadhanka ah Daacish!” (daawo)
Muhiimada Heshiiska Ethiopia iyo Ereteria (dhegayso)

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga ayaa maanta ku kulmay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Kulanka ayaa sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Cali Dige waxaa looga wadahadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha, amniga, iyo ganacsiga.

Agaasimaha warfaafinta ayaa sheegay in kulan gaar ah oo labada madaxweyne ay yeesheen looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dardargelinta ganacsi ballaalaran oo dhexmara labada dal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Turkigu ay dhul siin doonto safaaradda Soomaliya ay ku leedahay dalkaas, dhulkaas oo safaaraddu ay dhawaan dhisan doonto.

Heshiiskan oo ay qalinka ku duugeen sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo wasiirka deegaanka Turkiga ayaa ah heshiiska kaliya ee ilaa iyo hadda labada dhinac ay qalinka ku duugeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: