HomeUncategorized

Doonyaale, la-taliyaha M/weyne Faroole ee amniga oo sheegay in la adkaynayo ammaanka caasumaadda Puntland.

Caption ...

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.
Idaacadaha Galkacyo oo ka dooday baahinta barnaamijyo khuseeya nabadda.
DHEGEYSO-Barnaamijka Saaka iyo Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.

Garowe, Dec 05 – Iyadoo la filayo in dhawaan Magaalada Garowe ee xarunta dawladda Puntland lagu qabto wejiga labaad ee shirka wadatashida Soomaalida ayaa dawlada Puntland waxay ugu baaqday shacabka ku dhaqan guud ahaan deegaannada Puntland in ay nabad gelyada Ilaaliyaan kana hortagaan dadka dhibaatada gaysanaya.

La taliyaha dhinaca ammaanka ee madaxweynaha Puntland Axmed Xuseen Doonyaale, oo maanta la hadlay Radio Daljir xaruntiisa magaalada Garowe ayaa waxaa uu ka waramay baaqa ka soo baxay dawladda Puntland ee ku wajahan adkaynta nabad gelyada guud ahaan degaannada Puntland, gaar ahaanna ,magaalada xarunta ah ee Garowe.

Doonyaal, waxaa uu sheegay dhammaanba shacabka reer Puntland in laga dalbanayo in ay qayb weyn ka qaataan qorshaha ammaan adkayneed ee deegaannada Puntland, dhinaca kalena ay qayb ka noqdaan soo dhaweynta iyo qancinta qaabilaadeed ee martida shirkaasi ka qayb-gali doonta.

La-taliyuhu, waxaa kaloo oo ka hambalyeeyey soo afjariddii xurguftii Garsoor, isagoo dhinaca kalena ka hadlay dilalka qorshaysan iyo dagaallada ka-fool-ka-foolka ah ee ka dhaca meelo badan oo ka mid ah gobollada iyo degmooyinka Puntland.

Cabdiweli Maxamed Sheekh
Daljir Gaowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: