HomeWararka

DIMISHIQ: Qaraxyo lagu dilay 14 Askari oo katirsan Ciidamada Suuriya

Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay inay 14 Askari ku geeriyootay Qaraxyo Argagixiso oo saakayto ka dhacay Caasimada dalkaasi ee Dimishiq.

Shacabka Suudan oo sheegay inay si wadayaan dibadbaxyada (Daawo)
Ergayga QM ee Soomaaliya oo dhexdhexaadinaya madaxda dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyada
Warka DDM iyo Wariye Xaawo Axmed Maxamed Garoowe (Daawo)

Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay inay 14 Askari ku geeriyootay Qaraxyo Argagixiso oo saakayto ka dhacay Caasimada dalkaasi ee Dimishiq.

Labada Qarax ayaa waxaa lala beegsaday Bas ay la socdeen Ciiddan oo marayey meel ku dhow Hotelka caanka ee Damarose Hotel ee Bartamaha Dimishiq, iyadoo ay ku dhex gubteen 14 Askari.

Qarax 3aad oo la dhigay Buundada weyn ee Dimishiq ayaa la kala furfuray, kadib, markii Ciiddanka ku takhasusay Miinooyinka lagu wargeliyey in Qarax kale la dhigay meel ku dhow halkii Ciiddanka lagu qarxiyey.

Ma jirto Koox sheegatay mas’uuliyada Qaraxyada Mataanaha ee saakayto ka dhacay Caasimada dalka Syria ee Dimishiq.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: