Dilaalki u dambeyeey ee ka dhacay Puntland oo dad lo qabtay (dhegayso)

HomeWararka

Dilaalki u dambeyeey ee ka dhacay Puntland oo dad lo qabtay (dhegayso)

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo sheegay in dad loo qabqabtay dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Puntland, xilli x

WARAYSI GAAR AH: EX XILDHIBAAN CABDIRAXMAAN DHOORE QEYBTI 1AAD
WARBIXIN: CEELBIYOOD SHAXDA BUUHOODLE EE DDS (DAAWO)
Warka Fiidnimo iyo Maxamed Xasan Dhalo Daljir Cabudwaaq (dhegayso)

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo sheegay in dad loo qabqabtay dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Puntland, xilli xalay oo ugu dambaysay Galkacyo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsana socdaalka gobolka Mudug.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyadda ee Puntland Maxamd Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi dher oo dhinacyo badan ah siiyey Radio Daljir ayaa sheegay Puntland qorshe adag in ay ka leedahay amniga, ino badan oo ka mid ahna isku dayada weerar la fashiliyo, dambiilayaal badanna gacanta lagu dhigay.

Wasiirku waxaa uu tilmaamay Weerarkii ugu dambeeyey xalay Galkacyo ka dhacay iyo weeraro ka horreeyey oo lala bartilmaameedsaday masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dawliga ah ee Puntland in dad loo qabqabtay, haatanna baaritaannadooda dambi lagu hawlanyahay.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo Alle ha u naxariistee saaka qabuuraha magaalada Galkacyo lagu asaruuray taliyihii laanta socdaalka gobolka Mudug ee Puntland Cismaan Xaaji Xuseen ‘Cismaan Farey’ kadib markii xalay fiidkii ay dileen rag baskoolado ku hubaysanaa xilli uu ka soo baxay salaadda cisha.

Waa weerarkii saddexaad oo lagu bartilmaameedsado masuul ka tirsan hay’adaha dawladda Puntland oo dhaca saddexdii asbuuc ee ugu dambeeyey, kana dhacaya magaalada Galkacyo.

Wasiirka oo wareysigaan uu siiyey Radio Daljir uga hadlaya arrimo badan oo ay ka mid yihiin xayiraaddii soocdaallada, mandawgii magaalooyinka Puntland ee xilliga habeenkii ah, joojintii qaadka iyo arrimo kale, qaybtaan koowaad ee wareysiga wuxuu uga warramayaa amniga Puntland iyo arrimaha wax ka qabasho ee dhacdooyinka liddiga ku ah ammaanka ee uu ugu dambeeyey midkii xalay ka dhacay magaalada Galkacyo, laguna dilay sarkaal sare oo ka tirsan laanta socdaalka.

Hoos ka dhegayso.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: