Dhexdhexaadinta Farmaajo iyo Rooble oo aan weli natiijo dhalin

HomeWararka

Dhexdhexaadinta Farmaajo iyo Rooble oo aan weli natiijo dhalin

Weli waxaa socda wada-hadalka lagu djexdhexaadinayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Rwasaaraha

Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdulaahi Jaamac ,Daljir Cabudwaaq (dhegayso)
Boosaaso oo ku kujirta Xaalad go’doon ah (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Weli waxaa socda wada-hadalka lagu djexdhexaadinayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Rwasaaraha xukuumadda xilgaarsiibta Maxamed Xuseen Rooble.

Wadahadalkaasi oo socda saacado xiriir ah, waxaa dab-qaadiisa lahaa madaxweynaha maamulka Galmudug Axmwd Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo iyagu horay u waday u kala dabqaadid labada dhinac ah, balse ku guulaystay isi soo hor fariisintooda maanta.

Intii uu socday u kala dabqaadidda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo Rwasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, waxaa lagu guulaystay in la xakameeyo amarro ka soo fula iyo qoraallo ka soo baxa labadooda xafiis, si heer wax joogaan aysan uga sii durkin.

Ka sokow in labada masuul kulmeen, una bilaabatay ka doodista qaddiyadda dhexdooda ah, hadda weli ma jiro hormar muuqda oo lagu tallaabsaday, kuna saabsan is faham ka dhasha arrimaha ay isku seegganyihiin.

Ilo wareed oo labada xafiis ee khilaafku ka taaganyahay ah, ayaa Daljir u xaqiijiyey bilawgiiba in la dheehan karay kala durugsanaanta jirta, uusanna muuqan dabac dhabbaha u sii xaari kara maaro u helka arrimaha murugsan ee madaxweynaha iyo Rwasaaraha.

Inkasta oo bilawga dooddeed ee labada masuul muujinaysay kala tagnaantooda aragtiyeed ee arrimaha dhacay welina taagan, hadda rajo weyn ayaa laga qabaa in isku soo dhawaansho abuurmo maadaama kulan fool ka fool ah ay iskugu yimaadeen.

Ma ahan markii koowaad oo la arko khilaaf hareeyey habsimi u socodka hawlaha dawladda oo ka dhex-dhaca madaxweyne iyo Rwasaare Soomaaliya ah, hase ahaatee xilliga khilaafkaani ku soo beegmay ayaa ka duwan xilliyadii khilaafyadii hore, waana wakhti xasaasi ah oo uu dhammaaday cimrigii sharciga ahaa ee hay’adaha dawladda iyo madaxda hoggaamisa, haddana dalku uu ku jiro doorasho mid baarlamaan oo dadban ah.

Khilaafkaan ayaa haddii uu sii socdo wiiqi kara doorashada dalka oo haatanba lagu gudo jiro, sidoo kalena dhaawici kara amniga dalka oo markii horaba aan cago badan ku taagnayn.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

Geeddi

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: