HomeUncategorized

DHEGEYSO-Wafti kasocda koonfur Galbeed oo gaarey degmada Diinsoor.

Diinsoor, Aug 17 2016--Xubno katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo Muddooyinkii dambe Booqasho ku kala bixinayay Deegaano katirsan Gobollada Maamulkaasi ayaa waxay Maanta Gaareen Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Xukuumadda Puntland oo DFS uga digtey ciidamo ay usoo dirto Galkacyo.
Sirdoonka Itoobiya oo helay macluumaad sheegaya weeraro Argagixiso oo lala eeganayo Adis Ababa
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Kooshin.

Diinsoor, Aug 17 2016–Xubno katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo Muddooyinkii dambe Booqasho ku kala bixinayay Deegaano katirsan Gobollada Maamulkaasi ayaa waxay Maanta Gaareen Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.  

Masuuliyiintan oo kala ahaa Wasiirka Hub ka  dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelaay iyo Taliyaha Ciidanka Guutada 60-aad General Ibraahim Yarow ayaa waxay booqdeen Xero ay ku sugan Yihiin Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Waxaana Halkaasi ay uga jeediyeen Hadalo Dardaaran iyo Dhiiira Gelin ah.  

Ugu Horeyn waxaa Ciidamada la hadlay Taliyaha Ciidanka Guutada 60-aad General Ibraahim Yarow waxaana uu sheegay in Ciidanka looga baahan yahay in ay u adeegaan Shacbka isla markaan ay Go’doonka ka qaadan Deegaanada Gobolkaasi. 

Intaas kadib waxaa Ciidanka isna dhankiisa hadalo dhiira Gelin iyo Goobaabo ah ujeediyay Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelaay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: