HomeUncategorized

DHEGEYSO-Mas’uuliyiin maanta xilalka kula kala wareegey magaalada Galkacyo.

Taliyihii hore ee qaybta Booliska gobolka Mudug Mudane Cabdullaahi Shire Dool ayaa ka hadlay kulan maanta ka dhacay xarunta taliska qaybta taas oo xilalka ay kula kala wareegayaan taliska cusub iyo taliskii hore.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis horumarineed.
DHEGEYSO-Barnaamijka Saaka iyo Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
Dhegayso: Barnaamij gaar ah oo ku saabsan shirka wadatashiga Puntland ee Gaalkacyo ka furmay

Taliyihii hore ee qaybta Booliska gobolka Mudug Mudane Cabdullaahi Shire Dool ayaa ka hadlay kulan maanta ka dhacay xarunta taliska qaybta taas oo xilalka ay kula kala wareegayaan taliska cusub iyo taliskii hore.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Mudane C/waaxid Cabdulle Warsame wuxuuna sheegay inay degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ay wax badan ka qabanayaan Amniga gobolka Mudug.

Dhanka kalena magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug maanta waxaa xilkii kula wareegay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad iyo labaad ee gobolka Mudug.

Munaasibad kooban oo ka dhacay xarunta gobolka ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane Xassan Maxamed Khaliif wuxuuna sheegay inay muhiimadu tahay wada shaqaynta xubnaha maamulka gobolka Mudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: