HomeUncategorized

Dhagayso M. Galmdug Guuleed: Puntland inay ku tilmaanto Galmudug Al-shabaab Waa arrin laga xumaado

Cadaado, September 28, 2016 Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta dib ugu laabtay degmada Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee maamulkiisa, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Puntland ay Galmudug ku tilmaanto Al-shabaab.

DHEGEYSO-Gabdho qorayaal ah oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib oo Garoowe Gaarey.
“Haddaan wax xiro dad badan baa xabsi gali lahaa” Duqa magaalada Muqdisho
RW ku xigeenka Somalia oo la kulmay Taliyayaal Ciidan
Cadaado,  September 28, 2016  Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta dib ugu laabtay degmada Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee maamulkiisa, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Puntland ay Galmudug ku tilmaanto Al-shabaab.
 
C/kariin Guuleed ayaa suxufiyiinta ugu sheegeay garoonka diyaaradaha inuu tacsi u dirayo dhammaan dadkii ku dhintay weerar ay diyaarado uu leeyahay Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Jeexdin oo ku taalla dulleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
 
Madaxweynaha Galmudug, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Puntland ay ku tilmaanto maamulkiisa Al-shabaab, isagoo sheegay in Galmudug aysan la lahayn wax xiriir ah Al-shabaab iyo kooxaha kale ee jira, balse ay tahay mid ka mid ah maamullada dalka ka jira.
 
“Puntland inay tiraahdo maanta Galmudug waa Al-shabaab – waa arrin laga xumaado, isla markaana ay caddeyn u tahay in Puntland aysan diyaar u ahayn nabad iyo Wada-noolaasho ka taabbo-gasha Gobolka Mudug oo labada maamul ay ku wada sugan yihiin,” ayuu yiri C/kariin Guuleed.
 
Dhanka kale, C/kariin Guuleed ayaa ka hadlay arrimaha Doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka oo haatan uu diyaar-garowgoodu ka socdo degmada Cadaado, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in deegaannada Galmudug ay ka yimaadaan dadka ku wanaagsan labada Aqal ee baarlamanka cusub ee Soomaaliya si ay u soo baxaan mas’uuliyiin Shacabka Galmudug ku meteli kara aqallada baarlamaanka federaalka Somalia ee la sameynayo.
 
Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay in maamul-goboleedka Galmudug uusan lug ah ku lahayn xulitaanka ergooyinka iyo doorashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, laakiinse maamulkiisa ay  hawshiisu tahay fududeyn oo keliya..
 
Ugu dambeyn, Hadalka C/kariin Guuleed uu ku eedeeyay Puntland ayaa kusoo beegmayaa, iyadoo ay Diyaarado dagaal Duqeymo ka geysteen xalay deegaan 25-km bari uga beegan magaalada Gaalkacyo, inkastoo Puntland aysan weli ka hadlin inay ku lahayd weerarkaas iyo in kale. 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: