DFS oo diyaarado gargaar sida geysay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

DFS oo diyaarado gargaar sida geysay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

Iyadoo lagu guda jiro gurmadka degdegga ah ee deeqda lagu gaarsiinayay dadka abaartu saameysay, isla markaana la fulinayo amarkii Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga diray Afar diyaaradood oo siday shixnad gargaar cunto, kuwaasi oo loo diray magaalooyinka Beledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Waxaa hawshan gargaarka fuliyay Guddomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdullaahi, iyadoo ay gacan ka siinayeen masuuliyiin Xafiiska RW oo uu horkacayay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mohamed Abukar Zubeyr iyo Maareeyaha Xubinta hawlgalka Gurmadka Degdegga ee Xafiisk RW, Cabdifataax Cabdinuur.

Degaannada gargaarka la greynayo ayaa waxaa dhawaan booqaho ku tegay Madaxwrynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guuaawe Xuseen, waxaana ku sugan dad ay saameysay Abaarta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0