DFS oo beenisay in la sii daayay dhakhaatiir Kuubaan ah

HomeWararka

DFS oo beenisay in la sii daayay dhakhaatiir Kuubaan ah

Sii Hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay in la sii daayay labo dhakhtar oo u dhalatay dalka Cuba oo maanta saxa

Xafiiska Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland oo Daljir ugu Waramay Imtixaanka Sabtida Bilaabanaya (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Cabshada haweenka ka ganacsada khudaarta ee Suuqa Garoowe, iyo saameynta sicirbararka uu ku yeeshay (Warbixin)

Sii Hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay in la sii daayay labo dhakhtar oo u dhalatay dalka Cuba oo maanta saxaafada caalamka ay baahisay.

Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay Laanta afka soomaaliga ah ee VOA inaysan dowlada Soomaaliya aysan sheegin in la sii daayay labadan dhakhtar.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ma sheegin warkaas, mana aha war dowladda Soomaaliya ka baxay. Nimankaas waxaa afduubay Al-Shabaab, haddii lasii daayayna Al-Shabaab baa og. Annagu dadaallo ayaan wadnay, oo aannu ku daneyno qofkii ajnabi ah oo ay Soomaaliya wax ku gaaraan, marka dadaalladaasi way socdaan, dowladda Cuba-na waan kala xiriirnaa, laakiin warkaas meelaha la marinayo ma aha war dowladda Soomaaliya ay sii deysay,” ayuu yiri wasiirka.

Wakaaladaha wararka ee AP iyo AFP ayaa maanta shaaciyay sii deynta labadan dhakhtar iyagoo xusay inay ka soo xigteen sarkaal ka trisan dowlada Soomaaliya.

Labadan dhakhtar ee la sii daayay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Assel Herrera iyo Landy Rodriguez waxana ay ka mid ahaayeen illaa boqol dhakhaatiir u dhalatay dalka Cuba oo ka howlgalayay dalka Kenya.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: